4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2018
Culimada Soomaaliyeed oo ka hortimid xeerka Qoyska oo ay soo bandhigtay xukuumadda Soomaaliya

 

Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka hor yimid kuna tilmaamay mid ka hor imanaya shareecada Islaamka xeer Qoyska oo ay soo bandhigtay wasaarradda haweenka xukuumadda Soomaaliya.

Arrinta doodda ugu weyn dhalisay ayaa ah da’da qaangaarka iyadoo shareecada Islaamku cadeysay in da’da qofka muslimka ah uu yahay 15 sano, halka sharciga jinsiguna uu dhigayo iney tahay 18 sano.

Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale qaba in da'da qaan gaarka ay tahay 18 sano.

War saxaafadeedka laga soo saaray kulanka culumada oo ka dhacay masaajidka Sheekh Cali Suufi ayaa lagu akhriyay qodobbo ku jira xeerka oo si toos ah uga hor imaanaya ayaado quraan ah.

Bayaanka culimada waxaa aqriyay Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf oo yiri: "Hindise sharciyeedka ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaankan - ee sugaya in Ia ansixiyo , wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa shareecada islaamka ee ay umadda Soomaaliyeed dhammaantood aaminsanyihiin".

"Wuxuu uga hor imaanayaa dhaqanka suuban ee islaamka arrimo dhowr ah, sida inuu weerarayo guurkii rasuulkeenna Muxammad CSW, kuna tilmaamayaa xadgudub.

Qodobka 27aad ee xeerka oo ku saabsan guursi carruur, wuxuu u qoranyahay sidan: 

•Qof kasta waxa uu galayaa faldambiyeed guursi carruur ah, haddii uu si ula kac ah u guursado carruur aan qaan gaar ahayn.

Faqradda 3aad ee qodobka 27aad ayaa u qoran sidan:

-Qof kasta oo gala faldamiyeedka ku xusan qodobkan waxaa lagu xukumayaa ciqaab xabsi oo aan ka yareyn 10 sano, kana badneyd 15 sano".

Qodobbada kale ee doodda culus ka dhex abuuray bulshada waxaa ka mid ah sida uu xeerka jinsiga u maareeyay arrimaha la xiriira xad gudubyada galmada.

Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf oo sii watay hadalkiisa ayaa yiri: "Qaanuunkan ma kala saarayo nikaax sharci ah iyo sineysi".

Arrintan ayuu ku sharraxay qodob ka mid ah hindise sharciyeedka oo dhigaya in uu ciqaab muteysanayo qof walba oo galmo la sameeya qof kale oo aan raalli ka ahayn.

"Sharcigan wuxuu kufsi u yaqaannaa qof kasta oo oggolaansho la'aan xiriir jinsi la sameeya qof kale, xitaa haddii ay yihiin labo ruux oo uu guur ka dhexeeyo" ayuu yiri.

 

Dhanka kale, Culumaa'udiinka ayaa sheegay in diiniyan ay bannaantahay guursiga gabdhaha aan qaan gaarin, balse dhaqanka gogosha uu ku xiranyahay awooddooda.

Sida ku cad bayaankooda, gabadha ayaa la nikaaxin karaa iyadoo aan qaan gaarin, inkastoo markaas ka dib tixgelin la siinayo iney leedahay awood ku filan oo dhanka gogosha ah iyo in kale.

Mid ka mid ah daliillada ay war saxaafadeedka ku soo bandhigeen culumaa'udiinka, oo ku qotoma qodobkaas ayaa ahayd in nabi Muxammad CSW uu Caa'isha ku guursaday da'da 9 sano.

Iyadoo taas laga tix raacayo ayay hindise sharciyeedka ku tilmaameen mid xad gudub ku ah Rasuulkii Alle, maadaama uu ka soo hor jeedo arrin uu isaga sameeyay.

Hay'adda Culumada Soomaaliyeed ayaa horey bayaan uga soo saaray sharcigan, waxayna sheegeen in sharciga wax dhimaal u yahay diinta Islaamka.

Lama oga sida fariimahan ka imanaya culimada Soomaaliyeed loogu dhaga-nuglaan doono iyadoo la og yahay arrimo dhowr ah oo sidan oo kale horay culimadu uga hadleen leyska dhaga-mariyay.

Sharcigan hor yaala Golaha Shacabka ayeey culima'udiinku ka codsadeen xildhibaannada Baarlamaanka in aysan meel marin oo ay ka fiirsadaan.

BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]