4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2018
Xassan Sheekh ’’ Maamul gobolleedyada waa in loo madax-bannaaneeyaa shaqooyinkooda u gaarka ah

 

Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxa’ mud oo ka hadlayay khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada ayaa sheegay in uu jiro culeys ku lagu hayo sida uu hadalka u dhigay madaxda dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan.

Xassan Sheekh ayaa sheegay in dowladda hadda jirta looga baahan yahay in ay shaqooyinkooda u madaxbannaaneyso maamulada dalka ka jira oo loo baahan yahay in laga daayo culeyska siyaasadeed ee la saarayo.

‘’Waa inaan aqbalnaa ilaa xad inay mas’uul yihiin, laakiin hadii aan dhahno dalka uma naxayaan ma shaqeyneyso, waxaan qabaa madaxdaas furad la siiyo, mudadii aan joogay dal dibadiisa uma dacwoon, waan wada shaqeynay”. ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya looga baahneyn in ay iyadu wax walba kootaroosho madaama ayuu yiri dalka uu qaatay nidaamka federaalisam-ka, wallow dhinaca uu sheegay in ay jiraan howlo mar marka qaar loo baahan yahay in labada dhinacba wadatashi guud laga sameeyo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wajaheysa mar-xalado siyaasadeed oo aad u xoogan oo kala dhaxeeya maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, keliya dowladdu waxay heshiis la tahay Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]