Wararkii ugu danbeeyay baaritaanka kiiska wariyaha la la’yahay ee Jamaal Khashoggi
Jimco, October, 19,
2018 (HOL)-Sida ay wararku sheegayaan booliiska Turkiga ayaa ballaariyey
baadhitaanka ay ku hayaan kiiska Saxafigii Sucuudiga u dhashay ee la sheegay in
la dilay Jamal Khashoggi.
Saraakiil Turki ah oo aan la magacaabin ayaa
sheegay in laga yaabo in maydkiisii lagu aasay kayn ama dhul beereed aaggaas ka
dhawayd.
Mr Khashoggi ayaa la waayey kadib markii 2-dii
bishan October uu galay qunsuliyadda uu Sucuudigu ku leeyahay magaalada
Istanbul, halkaas oo saraakiisha Turkigu ay sheegayaan in lagu dilay.
Xukuumadda Sacuudi Carabiya ayaa sheegaysa in
aanay waxba ka ogayn wax ku dhacay weriyahaas.
Waxaa socda baadhitaan lagu samaynayo waxyaabo
loo malaynayo in ay caddaymo noqon karaan oo laga soo qaaday todobaadkaan
qunsuliyadda Sucuudiga iyo hooyga madaxa qunsuliyadda, lagana baari doonaa
hidda sidaha Mr Khashoggi.
Khamiistii, ayaa sarkaal sare oo Turki ah waxa uu
BBC News u sheegay in Xoghaya Arrimaha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo uu
dhagaystay cod ku aaddan dilka la sheegay in loo gaystay saxafigaas, balse
arrintaas ayuu goor dambe beeniyey.
Turkiga ayaa horay u sheegay in uu hayo cod iyo
muqaal caddayn u ah dilka Mr Khashoggi, balse caddaymahaas wali dadweynaha
looma soo bandhigin.
Dhacdadaan ayaa sababtay in xukuumadda Riyadh uu
culays badani kasoo fuulo dhanka reer galbeedka ay xulufada yihiin, wasiirka
maaliyadda Maraykanka Steven Mnuchin iyo Xoghaya ganacsiga caalamiga ah ee
Britain Liam Fox ayaa noqonaya masuuliyiintii sarsare ee ugu dambeeyey ee
qaaddaca shir ballaaran oo ganacsi oo ka dhacaya Riyadh toddobaadka dambe.
Shir madaxeedka ayaa waxaa marti galin doona
dhaxal sugaha Sucuudiga Mohamed bin Salman si uu kor ugu qaado ajendihiisa
isbaddalka.
Si kastaba ha ahaatee, sharikaddo badan oo
waaweyn ayaa wali danaynaya in ay ka qayb galaan shirka, inkastoo ay jirto qaaddacaad
isa soo taraysa.
Xigashada : BBC