Madaxweyne Farmaajo oo faray Xukuumadda in ay sii dardar geliso baahinta Adeegyada Bulshada
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha
Xukuumadda ayaa sheegay in Golaha Xukuumadda looga baahanyahay in ay la fal
galaan shacabka, si ay u helaan xogo dhammaystiran oo ka turjumaya baahiyaha
bulshada.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xubnaha Golaha in ay
hormuud ka noqdaan ka qeyb qaadashada Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo
dalka, isagoona tilmaamay in ay waajib ku tahay Madaxda Qaranka in ay tusaale
wanaagsan u noqdaan shacabka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha
Xukuumadda uga warbixiyey safarkii dhawaan uu ku tagay magaalada Marka ee
Gobolka Shabeellaha Hoose iyo baahiyaha bulsho ee ka jira deegaannadaas.
Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in laga hirgeliyo
magaalada Marka adeegyada waxbarashada iyo garsoorka, si loo soo celiyo
adeegyada asaasiga ah, loona ilaaliyo xasilloonida iyo amniga deegaanka.
“Ummadda Soomaaliyeed idinka bay idin sugaysaa, maadama
aad nasiib u yeelateen in aad hoggaan u noqotaan, waxa ay inaga sugayaan in aan
si daacad ah ugu adeegno, una ilaalinno canshuurta laga soo uruuriyo.”
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xasan Cali Khayre, Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed
Guuleed, Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo xoghaynta Shirka ayaa Madaxweynaha u soo
bandhigay warbixinno la xiriira guulaha laga gaaray hiigsiyada dowladda ee
tubaha horumarinta arrimaha bulshada, amniga, caddaaladda, siyaasadda loo
dhanyahay, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee horyaalla Xukuumadda.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey wada-shaqeynta kala
dhaxaysa Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa yiri “Ma jirto dan
shakhsiyayeed oo dhexdeena ah ee waxaan ka shaqeeynaa Danta Guud. Waxaana
awoodda saarnaa mar walba in la helo xalka ugu wanaagsan. Ummadda Soomaliyeed
waxay haystaan Raiisul Wasaare wanaagsan iyo Gole Xukuumadeed oo iyaguna
wanaagsan.”
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda sida
masuuliyadda leh ee ay u gudanayaan waajibaadka dastuuriga ah ee ay masuulka
uga yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku boorriyay in ay sii laba
jibaaraan dadaalkooda iyo waxqabadkooda.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]