4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2018
Xasan Sheekh oo hal arrin ku dhaliilay dowladda Federaalka

Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay dalka inuu ku socdo waddo wanagsan, balse dowladda hadda talada haysa ayuu ku dhaliilay ammaanka iyo sida ay u wajahday.

"Marka waddo dheer lagu socdo caqabaddo iyo dul duleelo badan ayaa imaanaya,marka sida ay haatan wax u socdaan iyo meesha dalku ku wajahanyahay waxaa ii muuqata inay tahay mid wanaagsan." ayuu yiri Xasan Sheekh oo inta ku daray " Balse amniga ayaan isleeyahay sida ay wax u socdaan si ka wanagsan ayaa jirta."

Xasan, waxa uu qiray in horumaro kala duwan laga sameeyay tiirarka muhiimka u ah qaranimadda oo ugu horreeyo kordhinta dakhliga dowladda , isagoo ku taliyay in ahmiyad gaar ah la siiyo ammaanka.

Waxaa kalo uu carabka ku dhuftey, isagoo la hadlay idaacadda VOA-da cilaadqaadka madaxda dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka oo haatan gaarey heerkii ugu hooseeyay,waxa uu sheegay waqtigii ay jirtay dowladiisa inuu ahaa mid hagaagsan, wallow  dhowr jeer uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]