4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2018
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo Baarlamaanka u sheegay inuu dil ka badbaaday

Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed waxaa uu sheegay inuu ka badbaaday qorshe isaga lagu dili rabey.

Abiy, ayaa u sheegay Baarlamaanka Itoobiya in ciidamaddii dhawaan galay agagaarka xafiikiisa inay qorsheynayeen inay dilaan isaga, wuxuuna inta ku daray inay isaga la sameeyaan jimicsi isagoo faraxsan oo dhoola caddeynayay  maalinkaasi balse uu gudaha ka gubanayay.

"Xaaladda ciidammada waa la dejiyay, qaar kamid ah ciidammada ayaa la maqlayay iyagoo leh ‘wuxuu baxsaday ka hor inta aanan dilin’ marka, yaanan u qaadanin arrinta mid fudud." ayuu yiri Abiy Axmed, sida ay baahisay BBC-da.

Bishii Juunyo meel u dhow goob uu ku sugnaa ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la qarxiyay. Mr Abiy, ayaa ku tilmaamay weerarkaasi ''Isku day aan guuleysan oo ay wadaan canaasiir diidan midnimada Itoobiya''

Weerarka ilaa shan ruux ayaa loo xukumay ,iyagoo lagu eedeyay inay isku dayeen dilka Abiy Axmed,kaddib markii bamboo gacmeed lagu tuuray isu soo bax siyaasadeed uu ra’iisul wasaaraha dadweyne kula hadlayay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]