4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2018
Xaaf " Ciidanka Galmudug ha u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah al-Shabaab"

Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geelle Xaaf  oo booqasho ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa kormeer ku tagay saldhigyada ciidanka booliska  iyo kuwa u tababarran sidda malitariga ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Xaaf oo xiran dareeyska milatariga ayaa u sheegay ciidamadda in ay u diyaargaroobaan dagaal al-Shabaab ka dhan ah, isagoo inta ku daray maamulka inuu doonayo siddii al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada Galmudug.

" Waxaa naga go'an sidii hay'adaha dowladda ay ugu gaari lahaayeen deegaannada naga maqan ee al-Shabaabku joogaan, ciidanka waxaan u sheegaya dagaal kooxda lala-galo inay u diyaar garoobaan." ayuu yiri madaxweynaha Galmudug oo ciidamadda kula hadlay xero ku taalla dulleedka Gaalkacyo.

Wuxuu ku soo aadday dagaalka uu ku baaqay madaxweynaha Galmudug, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay weerar laga fuliyay degmada Xarar-dheere ee gobalka Mudug in lagu dilay ku dhawaad 70 dagaalyahanno iyo saraakiil al-Shabaab ah isagu jira, weerarka ayaa waxaa ka qaybqaatay diyaaradaha dagaalka ee Marekanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]