4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2018
Ololaha doorashada Baarlamaanka Puntland oo khilaaf badan ka dhaliyey Gobolka Sool

Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Olole la doonayo in lagu xulu baarlamaanka Puntland xubnihii u meteli lahaa gobolka Sool ayaa maalmihii u dambeeyey ka socda degaano kala duwan oo gobolka ka mid ah.

Doonista xildhibaanimada oo ay u xusulduubayaan boqolaal xubnood oo 17 Xubnood oo koonfurta Sanaag, Sool iyo Cayn "Buuhoodle" ayaa dhamaantood weli muran ka taagan yahay.

Waxaa ila hada la sheegay in hawshooda la djameeyey la xubnood oo degmada Laascaanood laga soo xuli lahaa oo, kuwaas oo ay ku dhawaaqeen cuqaasha beeshaas, walow ay jiraan dad arintaas sheegay in aanay cuqaashu xaq u lahayn maadaama ay ku sugan yihiin meel Somaliland ka arimiso.

Nimco Cabdi Caarshe oo ka mid ah labadaasi xubnood HOL u sheegatay in Cuqaashu ay si cadaalad ah dadka ugu cod soorayeen iyagoo ku qiimaynayey wax qabadka hore iyo balqaadyada qofku sheego.

Degmooyinka Xuddun iyo Taleex ayaa waxaa iyaga haatan ka socda qiimaynta ay cuqaasha iyo gudi ay isku ladheen ay wadaan sidii ay u kala xulan lahaayeen xubnaha u metelaya Baarlamaanka Puntland ee dhamaadka sanadkan la filayo inay ka dhacdo Garoowe.

Xildhibaanada hawshooda waxaa dhinaca socota olole ay madaxda dhaqanka degaanadaasi ay ku doonayaan in ku doonayaan 17ka xubnood ee iyaga metala aanay qayb ka noqon Baarlamaanka Puntland ilaa  iyo inta bay yidhaaheen gobolka Sool gacanta Somaliland ku jiro.

Madaxda dhaqanka ayaa leh saxeexa u danbeeya ee uu ansax ku noqdo xildhbaanka Puntland, taasina waxa ay ku noqon kartaa raga xusulduubka ugu jira xildhibaanimada oo ay dhaqaale badan ku lumiyaan.

Seynab Candi Warsame.
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool