3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2018
Madaxweynaha JFS oo shir guddoominaya shirka Golaha Wasiirrada

 

Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir guddoominayay shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya, waxaana ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ka jeediyay Khudbad  uu kaga hadlayay xaaladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in tilaabo wanaagsan horay loo qaaday,islamarkaana dowladda Soomaaliya ay sii laba jibaari doonto Hanaanka lagu horumarinaayo Soomaaliya.

“Madaxweyne waxaan rabnaa adiga oo xafiiskaaga fadhiya in aad kumbutuutar gashid aad ogaatid wasaarad kasta halbeegyadeeda meesha ay marayaan, shacabka ay ogaadaan” ayuu yiri ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo kulanka ka qeybgalay.

Kheyre ayaa sidoo kale yiri“20 wasaaradood ayaa dakhli uruurin jirtay, maanta hal meel ayaa laga uruuriyaa, waana wasaaradda maaliyadda”.

Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweynuhu shir guddoomiyo kulanka kulan wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/18/2018 12:35 PM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in Golaha Xukuumadda looga baahanyahay in ay la fal galaan shacabka, si ay u helaan xogo dhammaystiran oo ka turjumaya baahiyaha bulshada.

10/18/2018 11:58 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ka dib 2 maalmood oo la soo bandhigayay adeegyo, aqoon-isweydaarsiyo, iyo fikrado cusub oo ay is dhaafsanayeen qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada dalka.

10/18/2018 11:26 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)-Ganacasatada gobolka Banaadir ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay shaaciyeen in ay joojiyeen dhaqaaliihii ay ku bixin jireen dib-u-dhiska waddooyinka gobolka Banaadir.

10/18/2018 9:53 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay dalka inuu ku socdo waddo wanagsan, balse dowladda hadda talada haysa ayuu ku dhaliilay ammaanka iyo sida ay u wajahday.

10/18/2018 9:36 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed waxa uu sheegay inuu ka badbaaday qorshe isaga lagu dili rabey.

10/18/2018 9:13 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo booqasho ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa kormeer ku tagay saldhigyada ciidanka booliska iyo kuwa u tababarran sidda malitariga ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

10/18/2018 8:57 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Olole la doonayo in lagu xulu baarlamaanka Puntland xubnihii u meteli lahaa gobolka Sool ayaa maalmihii u dambeeyey ka socda degaano kala duwan oo gobolka ka mid ah.

10/18/2018 8:04 AM EST
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay duqeyn militariga Mareykanka uu ka fuliyay deegaanka Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana ay sheegtay in ku dhawaad 70 dagaalyahan kaga dhinteen Al-shabaab duqeynta.

10/18/2018 3:31 AM EST
Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)- Ganacsatada Tog-wajaale ee dhinaca Somaliland ayaa ka qayliyey cashuur la sheegay in wasaaradda Maaliyada Somaliland ku soo rogayso qof kasta oo ka soo gudba dhinaca Itoobiya ee soo galla Wajaale in laga qaado sodon dollar.

10/18/2018 3:25 AM EST
Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)-Shirkadda TRIP Time oo ah shirkad fududeyntooda soo saarista Fiisooyinka islamarkaana qaadi doonta baasaboorrada ayaa si rasmi ah looga dhowaaqay caasimada Muqdisho.

10/18/2018 2:09 AM EST
Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)- Mareykanka ayaa ka dalbaday xukuumadda Turkiga in ay la wadaagto cod la sheegay in uu caddeyn u yahay in saxafiga Jamal Khashoggi lagu dilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga.

10/18/2018 1:22 AM EST
Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay degmada Marka looga dilay labo askari oo ka tirsanaa ciidamadooda howlgalka midowga Africa AMISOM.