Mareykanka oo Turkiga ka dalbaday macluumaad la xiriira wariyaha la layahay ee Jamal Kashoggi
Khamiis,, October, 18,
2018 (HOL)- Mareykanka ayaa ka dalbaday xukuumadda Turkiga in ay la wadaagto
cod la sheegay in uu caddeyn u yahay in saxafiga Jamal Khashoggi lagu dilay
gudaha qunsuliyada Sacuudiga.
"Waan ka codsanay,haddii ay jirto,"
waxaa sidaasi aqalka cad wariyayaasha ugu sheegay madaxwayne Donald Trump told
reporters at the White House.
Madaxwayne Donald Trump ayaa beeniyay in uu
difaacayo boqortooyada Sacuudiga taasi oo ku saabsan dilka laga shakisan yahay
in saxafiga Jamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
Balse waxa uu sheegay in Mareykanka aysan marnaba
meel cidlo ah uga dhaqaaqayn wadamada ay saaxibka yihiin.
Mr Trump ayaa intaa ku daray in uu rajaynayo in
boqorka Sacuudiga iyo dhaxal-sugaha aysan waxba kala socon waxa dhacay.
Dhanka kale koox ka socota baarayaasha Turkiga
ayaa baaritaan ku samaynaya guriga uu Istanbul ka dagan yahay qunsulka
sacuudiga si halkaasi looga baadigoobo caddeymo ku aadan shakiga ah in Mr
Khashoggi la dilay.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike
Pompeo ayaa isagana ku laabanaya magaalada Washington ka dib kulan uu la
yeeshay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay arrintan ka
wadahadleen.
Mr Pompeo ayaa horey u soo maray dalka Sacuudiga
oo uu kula kulmay Boqor Salmaan iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga.
Waxaa sii kordhaya cadaadiska lagu hayo
boqortooyada Sacuudiga ee ku saabsan inay meel ku sheegaan wariye Jamal
Khashoggi.
Jamal Khashoggi ayaa ahaa wariye daggan dalka
Mareykanka islamarkana u shaqeeya wargayska Washinton Post, Wariyaha ayaa si
aad ah u dhaliili jiray qoyska boqortooyada Sacuudiga.
Xigasho : BBC