4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2018
Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed oo beeniyay magacaabista gudiga Doorashooyinka



Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)–Gudomiyaha golaha shacabka Koonfur Galbeed Mudane C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu magacaabay guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in warqaddaasi ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aysan kasoo bixin xafiiska Gudoomiyaha Baarlamanka.

Warqaddan oo saaka soo baxday ayaa waxaa ku qornaa ilaa 15 Xildhibaan oo la sheegay in loo magacaabay Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Waxa uu xusay in aysan weli ku dhawaaqin guddiga, balse ay rajeeynayaa in dhawaan ay si rasmi ah u shaaciyaan gudiga doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa geli doonta doorasho bisha November ee sanadkan, ayadoo magaalada Baydhabo ay ku suganyihiin inta badan musharixiinta u tartameeysa hogaanka Koonfur Galbeed.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.