Xukuumadda Soomaaliya Iyo Midawga Yurub oo Kala Saxiixday €100 Milyan oo Lagu Kabayo Miisaaniyadda Dawladda
Axad, October, 14, 2018 (HOL)-
Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo midawga
Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 milyan (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga
Yurub si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda.
Heshiiskaan oo lagu saxiixay
munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha uuna goob joog ka ahaa
ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay
bangiga dhexe ee dalka ku shubaan €100 milyan.
Wasiirka Qorshaynta,
maal-gashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,
Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan
iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, ayaa si
wadajir ah u saxiixay heshiiska.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali
Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in
daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u
mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray
kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo hay’adaha lacagaha adduunka.
“Maanta waa maalin wayn,
munaasabaddaan waxa ay ka tarjumaysaa soo laabashada aaminaada u dhexsaysa
dawladda iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, aaminaadda iyo kalsooniada ay
shacabka Soomaaliyeed dawladoodda ku qabaan iyo aaminaadda bulshada caalamku ay
ku qabto hay’adaha dalwladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre.
Midawga Yurub oo go’aan ku
gaaray in dawladda si toos ah loo taageero sababo la xariira in ay la timid
hufnaan iyo dib-u-habayn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhawaan
ansixiyay bixinta €100 mliyan (Boqol Milyan oo Yuuro) taas oo si toos ah loogu
shubayo qasnadda dawladda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]