4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
4 qof oo ka soo jeeda dalka Itoobiya oo lugu dilay magaalada Boosaaso

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Ugu yaraan 4 ruux ayaa geeryooday qof kalana waa uu dhaawacmay,kaddib weerar caawa ka dhacay xaafad ay ku badanyihiin dadka Itoobiyanka ah oo ku taalla magaalada Boosaaso.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Saantoos ee ku dhow dekedda magaalada Boosaaso ,halkaas degganyihiin dad ka soo jeeda qowmiyada Oromada ,lama oga in uu yahay duullaan Oromada lala beegsaday ama mid ayaga dhexdooda ah.

Warar kale oo laga helayo weerarka ayaa sheegaya dhammaan dadka ku dhintay inay ka soo jeedan qowmiyada xabashida,balse ma jirto cid wali si rasmi ah u xaqiijisay,maaddaama hay'adaha ammaanka aysan wali ka hadlin weerarkan.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay markiiba inay goobta ka baxsadeen inta aysan gaarin ciidamadda ammaanka kuwaaso haatan baaritaano kawada agagaarka goobta lagu dilay afartaasi nin ee kasoo jeeda dalka Itoobiya.

Shalay ayaa xarunta gobolka lagu qabtay shir looga hadlayo ammaanka qowmiyadda Oromada, waxa ayna sheegeen hoggaankoodu in aysan jirin wax cabsi ama amni xumo ah oo hadda jirta.

Weerarka ayaa ku soo aaday xilli ciidamadda amniga Puntland ay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga maalmihii dambe ka wadeen gudaha magaalada Boosaaso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]