Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka
Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay munaasabadda
daah-furnaanta maaliyadda dalka ayaa xasuusiyay ummadda Soomaaliyeed in si isku
filnaansho loo gaaro ay lagama maarmaan tahay in masuuliyad layska saaro
shaqooyoinka fududayn kara yagleedidda mustaqbal ifaya.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in aasaaska dawladnimada
Soomaaliya oo waqti dheer Jihada ka lunsanayd ay hadda haleeshay waddo sax ah,
hase yeeshee la taaganyahay bilaawga dariiqa saxan loona baahanyahay in
waddadaas lagu taagnaado oo aan mar kale jihadu ka qaldamin.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta dawladda in ay
ilaaliyaan ammaanada oo ay ka fogaadaan xatooyada xoolaha dadwaynaha iyo
joogtaynta sababihiin dariiqa wanaagsan ka leexiyay dawladnimada Soomaaliya oo
ay kamid ahaayeen laaluush, musuqmaasuq iyo qabyaalad.
Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay
in habka kaliya ee shaqo abuur loogu samayn karo dhallinyada Soomaaliyeed,
ciidan xoog leh lagu dhisi karo, daynta looga cafin karo dalka ay tahay in la
horumariyo dhaqaalaha, arrintas oo iyana ku xiran in musuqa lala dagaallamo iyo
in shaqooyinka loo diro shaqsiyaad karti u leh, wasiir kastana uu wasaaraddiisa
ka bilaabo isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.
Barnaamijka daah-furnaanta maaliyadda oo ay hormuud ka tahay wasaaradda
maaliyadda xukuummadda fedraalka Soomaaliya ayaa loogu tala galay in ummadda
Soomaaliyeed ay kula socdaan dakhliga dawladda soo gala, ilaha dakhliga iyo
sida loo maamulo, maadaama shacabku ay leeyihiin hantida, muhiimna ay tahay in
ay si daah-furan ula socdaan hannaanka loo maamulo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]