4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Al-Shabaab oo qabsatay deegaanka Goofguduud Buureey ee duleedka magaalada Baydhabo

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)-Dagaallamayaal ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka Goofguduud Buureey  oo qiyaastii 30 km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay,sida ay baahisay warbaahinta gudaha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay kooxdan inay deegaanka kula wareegeen si nabad ah, kaddib markii ciidanka dawladdu ay isaga baxeen halkaasi.

Warbaahinta ku hadasha afka al-Shabaab ayaa sidoo kale baahisay in dagaalyahannadooda ay la wareegeen deegaanka Goofguduud Buureey,halka aysan wali maamulka Koonfurgalbeed ka hadlin weerarkan u dambeeyay.

Al-Shabaab ayaa horey u qabsatay tuulada Goofguduud Shabeelow oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca waddada aada degmada Diinsoor.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]