4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Baarlamaanka oo yeelanaya maanta mid ka mid kulamaddii doodda xeer hoosaadka

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)-Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ah ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan waxaa ay xildhibaannada uga hadli doonan ka doodista dib u eegista xeer hoosaadka golaha shacabka ,doodda oo wali socota.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin wargelin ah oo ku saabsa inuu maanta jiro kulanka Golaha,isla markaana jandaha uu yahay dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Doodda dib u eegista xeer hoosaadka ayaa maalmihii u dambeeyay socota, waxaana guddoomiyaha golaha shacabka , Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu  ku eedeeyay xildhibaannada inay ka gaabiyeen shaqooyinkii hor yaallay.

Boolis dheerad ah ayaa lugu arkay waddooyinka gala xarunta golaha shacabka, saraakiisha waxaa ay u sheegeen Hiiraan Online in la xoojinayo amniga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]