4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Howlgalo waddo furis ah oo ka socda gobolka Hiiraan

 

Isniin, October, 01 2018 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah Al-shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidamada oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ayaa shalay u dhaqaaqay dhinaca waddada isku xirta degmooyinka Beledweyne iyo Buula-burte ee gobolka Hiiraan, iyaga oo gaaray deegaanno markii hore ay gacanta ku hayeen xoogagga Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgalkan hor kacaya ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedadu tahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay maamulaan, islamarkaana dib loogu soo celin lahaa isku socodkii dadka iyo gaadiidka waddada isku xirtay Beledweyne iyo Buula-burte oo sanadihii ugu danbeeyay-ba aan la isticmaalin.

Ciidamada ayaa shalay gaaray deegaanno ay ka mid ahaayeen Baardheere, Beerxaanno, Tare-Jante iyo deegaanka Nuur Fanax oo dhamaantood ku teedsan waddada laamiga ah ee dhinaca Koonfur uga baxday magaalada Beledweyne.

Ma jiriin iska horimaadyo waaweyn oo la soo sheegay, hasse ahaatee dadka deegaannada howlgalkan laga sameeyay ayaa warbaahinta u sheegay in meelaha qaar Al-shabaab isku dayeen in ay is hortaagaan ciidamada iyaga oo ku ridayay rasaas aan badneyn.

Ujeedada howlgalkan ayaa lagu micneeyay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada gacantooda wali ku sii harsan ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]