Isniin, October, 01
2018 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa
AMISOM ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah
Al-shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan
Ciidamada oo ku hubeysan gadiidka
dagaalka ayaa shalay u dhaqaaqay dhinaca waddada isku xirta degmooyinka
Beledweyne iyo Buula-burte ee gobolka Hiiraan, iyaga oo gaaray deegaanno markii
hore ay gacanta ku hayeen xoogagga Al-shabaab.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee
howlgalkan hor kacaya ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedadu tahay sidii
Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay maamulaan, islamarkaana dib loogu
soo celin lahaa isku socodkii dadka iyo
gaadiidka waddada isku xirtay Beledweyne iyo Buula-burte oo sanadihii ugu
danbeeyay-ba aan la isticmaalin.
Ciidamada ayaa shalay gaaray
deegaanno ay ka mid ahaayeen Baardheere, Beerxaanno, Tare-Jante iyo deegaanka
Nuur Fanax oo dhamaantood ku teedsan waddada laamiga ah ee dhinaca Koonfur uga
baxday magaalada Beledweyne.
Ma jiriin iska horimaadyo waaweyn
oo la soo sheegay, hasse ahaatee dadka deegaannada howlgalkan laga sameeyay
ayaa warbaahinta u sheegay in meelaha qaar Al-shabaab isku dayeen in ay is
hortaagaan ciidamada iyaga oo ku ridayay rasaas aan badneyn.
Ujeedada howlgalkan ayaa lagu
micneeyay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada gacantooda wali ku sii
harsan ee gobolka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]