Hiiraan Online
9/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2018
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo madax ka tirsan UNICEF kala hadlay horumarinta waxbarashada
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya .Cabdulahi Goodax Barre ayaa khamiistii shalay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay madax ka tirsan UNICEF.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay mashruuca (Education Cannot Wait) oo loogu talo galay in lagu horumariyo tayada waxbarashadda dalka.
Wasiirka waxbarashada, Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in warbixin uu ka siiyay xubnahan ka socday UNICEF xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo nidaamka xulashada macalimiinta dhigeysa manhajka cusub.
"Waxaan ka wada hadalnay mashruuca (Education Cannot Wait) oo loogu talo galay in lagu horumariyo tayada waxbarashadda dalka,waxaan warbixin ka siiyay xaaladda guud ee waxbarashada dalka gaar ahaan nidaamka xulashada macalimiinta dhigeysa manhajka cusub ee dhawaan ay qeybisay wasaaradda waxbarashada dalka".ayuu yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Cabdulahi Goodax Barre.
Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]