Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Hogaamiyaha mucaaradka dalka Gabon, Jean
Ping, ayaa markale ku andacooday inuu ku guuleystay doorashooyinkii la qabtay
sanadkii 2016ka, xilli Madaxweyne Cali Bongo lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla
dalka dibeddiisa.
Mar uu ka hadlayay Magaalada Libreville, ayuu Mr Ping waxaa u dadkiisa ugu
baaqay inay ka adkaadan kala qeybsanaanta ayna ku midoobaan danta guud.
Waxaa u sheegay in mowqifkaasi uu ahaa midkii uu soo bandhigay doorashadii
2016ka, waxaa uuna intaasi ku daray in u yahay qofka ku guuleystay codadka ugu
badan.
Dibedbaxyo ay dhiig ku daateen ayaa dalkaasi ka dhacay kaddib markii
Madaxweyne Bongo lagu dhawaaqay inuu xaddi aanan sidaasi u badnayn ugu
guuleystay doorashada.
Mr Bongo, oo qoyskiisa uu dalkan galbeedka Afrika ku yaalla ka talinayay
50-kii sano ee la soo dhafay ayaa haatan lagu daaweynaya isbitaal ku yaal
Magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga.
Ilaa iyo hadda lama hayo war rasmi ah oo ku saabsan xaaladda Madaxweynaha uu
ku sugan yahay tan iyo markii la shaaciyay 10 maalmood ka hor in uu aad u
daalanyahay sidoo kalena uu u baahan yahay nasiino.
Kaddib doorashadii 2016-ka, mucaaradka Gabon ayaa ku andacooday in
doorashada lagu shubtay waxaa ayna dalbadeen in dib loo tiriyo codadka balse
waxaa arrinkaasi ku gacan seeray Maxkamadda Dastuuriga ee dalkaasi.
Xigasho : BBC