Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Iyadoo guud ahaan deegaannada Puntland ay ka socdan olole doorasho, ayaa waxaa soo baxaya digniinno loo jeedinayo musharixiinta u taagan qabashada xilka hoggaanka dowlad gobolleedka Puntland.
Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Cabdi Cali (Qarjab) oo warbaahinta la hadlay ayaa ayaa musharixiinta maaxweynenimo ee Puntland ugu digay in ay
hub culus lasoo galaan maamulkaasi.
“Puntland waxay dagaal kula jirtaa Alshabaab iyo Daacish ciidi gacan
ka geysan karta waa lasoo dhaweynayaa laakiin marnaba ma aqbali doono in
maagalaa dhexdeeda gaadiid dagaal iyo hub culus lagu dhex wado oo
magaalada saxmad laga dhigo, musharixii doonaya in uu soo wato
ilaaladiisa waa loo ogolyahay laakiin hub culus ma aqbali doono” ayuu
sheegay Wasiirka warfaafinta Puntland.
Maamul gobolleedyada dalka ayaa hadda u muuqda kuwo mashquul ku ah doorashooyinka ku soo foolka leh oo ku soo aaday waqti xasaasi ah oo khilaaf adag uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee federaalka, waxaana jirta baqdin weyn oo ay ka qabaan madaxda maamul gobolleedyada ee xiligan fara-galin uga timaada dhinaca dowlada.
Wasiir Qarjab ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay masuul ka tahay amaanka musharixiinta u loolamaya xilka maaxweynaha maamulakasi.
Doorashada ugu soo horeysa ayaa ka dhaci doonta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay musharixiin dhowr ah ku tartami doonaan kursiga madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]