Hiiraan Online
11/20/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2018
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo sagootisay ardey deeq waxbarasho ka heshay Suudaan
Isniin, November, 26, 2018 (HOL)- Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay munsaabad lagu sagootinayay 124 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Suudaan.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xoghayaha joogtada wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare XFS, Axmed Yuusuf Xasan , lataliyaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Cismaaciil Yuusuf Cismaan ,xildhibaano iyo marti sharaf kale.
La taliyaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka Suudan kula dardaarmay inay ka faa'ideystan fursada ay heleen.
Xildhibaan Yuusuf Xeeyle oo ka mid ah xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli la hayeen deeq waxbarasho oo dalka dibadiisa.
Xoghayaha joogtada wasaaradda waxbarashada XFS,Axmed Yuusuf Xasan ayaa sheegay inay ka go'antahay wasaaradda waxbarashada kor uqaadista tacliinta ardayda Soomaaliyeed, isagoo ardeyda kula dardaarmay in ay masuuliyad gaar ah ay iska saaraan sidii ay u gaari lahaayeen hamigooda waxbarasho ee ku aadan kamira dhalinta deeqaha waxbarasho oo ay ka heleen dalka Suudaan.
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa muddo bil gudaheed deeqo waxbarasho ugu dirtay dalalka Itoobiya iyo Suudaan ardey Soomaaliyeed.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]