4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2018
Qof ku dhintay Qarax ka dhacay dulleedka Muqdisho

 

Axad, November, 18, 2018 (HOL) -Wararka ka imanaya deegaanka Weydoow ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax halkaa ka dhacay uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale.

Sida laga soo xigtay goobjoogayaal dadka deegaanka waxaa qaraxa lala eegtay  gaari nuuca raaxada ah oo Prado loo yaqaan oo uu watay nin ku lebisan  deriiska ciidamada Xooga dalka waxaana ku geeriyooday shaqsiga gaariga  qaraxa lala eegtay watay.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in gaariga qaraxa lala eegtay uu ka sii  baxaayey Muqdisho oo uu dhankaa iyo ceelasha kusii wajahnaa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya aya tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]