Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo la amray in ay ilaaliyaan hantida dadweynaha
Jimco, November, 16, 2018 (HOL) –Iyadoo
dhawaan la filayo in ay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed
dhinaca kalana uu meesha ka baxay madaxweynihii maamulka Shariif Xassan Sheekh
Aadan , ayaa la faray golaha Wasiirrada
maamulka in ay ilaaliyaan hantida umadda.
Kulan dhaxmaray ku-simaha
madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhu-naa Maye iyo golaha
Wasiirrada ayaa looga wada hadlay qodobo dhowr ah, isaga oo faray golaha
Wasiirrada in ay iska ilaaliyaan hantida dadweynaha.
Sidoo kale kulanka ayaa leys-kula soo qaaday xaalada guud ee amniga KGS iyo in wasaarad
waliba wixii agab ah oo ay hayso, iyadoo
qoraal ahaan ah u keenaan xafiiska madaxweynaha KGS si xiligan kala guurka ah
aysan u dhicin ku tagrifal awoodeed.
Qaar ka mid ah Wasiiradda maamulka Koonfur
Galbeed ayaa soo gudbiyay hantida iyo qalabka ay hayaan, waxaana ka tijaabiyay
siihayaha xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Inkastoo doorashada uu isaga haray Shariif Xassan
Sheekh Aadan oo ah shaqsi miisaan culus ku dhaxlahaa siyaasada Soomaaliya,
haddana wali doorashadu ma xiiso la’a oo waxaa ku tartami doona shaqsiyaad
siweyn ugu loolami doona codadka golaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana
musharixiinta ka mid ah Mukhtaar Rooboow Abuu-Masuur oo ka mid ahaa
aas-aasayaashii Ururka Al-shabaab, laakiin sheegay in uu isaga baxay Ururka, xubno ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo mas'uuliyiin horey xilal dalka uga soo qabtay.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]