Hiiraan Online
4/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Ra’iisul wasaare Khayre oo Qaabilay Maamullaha Guud ee Guddiga Badbaadada Caalamiga
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kula kulmay maamullaha Guud ee guddiga badbaadada caalamiga ah (IRC), David Miliband, oo socdaal ku yimid Muqdisho.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo David Miliband ayaa ka wada hadlay guud ahaan barnaamijyada IRC ay ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarinta caafimaadka.
Guddiga badbaadada caalamiga ah ayaa ka shaqeeyaa gargaarka bini’aadninimo ee caalamka, iyo barnaamijyada horumarinta, waxa uuna gargaar degdeg ah iyo caawimaadda waqtiga fog siiyaa qaxootiga iyo dadka ku barakacay dagaallada iyo musiibooyinka dabiiciga ah.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]