Itoobiya oo xirtay tiro ka badan 60 sarkaal
Talaado, November, 13, 2018 (HOL) – Wararka
ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay tiro ka mid
ah saraakiisha ammaanka dalkaasi kaddib lagu eedeeyay musuq maasuq iyo in ay ku
xadgudbeen xuquuqda aadanaha.
Saraakiisha iyo ciidaammada la xiray waxa ay ka
badan yihiin 60 ruux, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye
ayaa shir ja’raaid ka sheegay inay tacaddiyada ay gaysteen saraakiisha la xiray
ay kamid yihiin kufsi iyo inay jirddileen dad dambiyo lagu soo eedeeyay oo
gacantooda ku jiray.
Waxaa la sheegay in saraakiisha ay
dadka ku ciqaabayeen xabsi ku yaalla god hoostiisa oo sharci darro ah.
Xiritaanka saraakiishan ayaa
imaanaya xilli baaritaanno ay ku socdaan saraakiil ka howlagaleysay shirkadda
Metec, qaar kamid ah shaqaalaha shirkadda ay maamulaan militariga ee Metec ayaa
kamid ah dadka la xiray.
Bishii Agosto ayay ahayd markii
ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu ku baaqay in meesha laga saaro
qanddaraas la siiyay mid kamid shirkadaha dalkaasi oo dib uu dib dhac ku yimid
fullinta mashruuca dhisitaanka biyo xireen halkaasi ku yaalla.
BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]