Xukuumadda Somaliland oo amar ka soo saartay hoteelada habeenkii xilliyada dambe lagu caweeyo
Isniin, November, 12, 2018 (HOL)
-Xukuumada
Somaliland ayaa maanta mamnuucday in xilliyada dambe hoteelada lagu
caweeyo,isla markaana amar ku siisay taliyeyaasha magaalooyinka in aanay
ogolaan in kow iyo tobanka habeenimo iyo konton miridh wixii ka dambeeya lagu
caweeyo hoteeladda.
“Hoteelada waaweyn ee lagu caweeyo in aan
xaflado lagu qabsan Karin wixii ka dambeeya kow iyo tobanka habeenimo iyo
kanton miridh (11:50Pm), waxaan u sheegayaa inay mamnuuc ka tahay in lagu arko
hoteelada lagu caweeyo xashiishado iyo khamri, dhamaan ciidanka booliska inay
hawsha amarka ah laga bilabao caawa ay ka gutaan waajibkooda”ayuu yidhi wasiir
ku xigeenka amniga Maxamed Muuse Diiriye.
Sidoo kale, waxa uu digniin u diray dhallinyarada
habeenkii is laylaysa oo uu sheegay in kooxdii la qabto loo diri doono gobolada
fog fog.
“Waxaan uga digayan dhallinyarta faashashka iyo
midiyaha isku dilaya aan loo adkaysan doonin oo talaabo adag laga qaadi doonno,
waxaan uga digayaa dhalinyarta la doonayo mustaqbalkooda in la dhiso ee
ay iyagu is dilayaan in aan loo adkaysan Karin.”ayuu yidhi.
Hoteelada qaar ayaa habeenkii lagu caweeya oo
laga soo dareera xilliyo dambo, waxaana lagu qabta bandhigyo heeso ah oo
fanaaniintu ka heesaan, taas oo wixii 11:50 daqiiqo ka dambeeya la joojiyey
caawa laga bilaabo.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.