
Khamiis, November, 01, 2018 (HOL) -Warar hor dhac ah ayaa ka soo baxay Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho,
Gaar ahaan Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Siyad, waxaana ay goob joogayaal sheegeen in uu ka dhashay gaari la dhigay waddada dhiceeda.
newsinside Illaa iyo hadda si dhab looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo xilli hore ay tahay.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo xiray wadada sida dad goobjoog ay sheegayaan.
Wadada Maka almukarama ayaa ah kan ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, waxaa wadada adeegsada mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha iyo shacabka, waxaana wadadaas caan ku tahay ganacsiga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]