4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2018
Tartanka kubad cag-yaraha qaaradda Afrika oo ka socda Liibiya, iyo xulka qaranka Soomaaliya oo la dheelay kan Liibiya
Talaado, May, 08, 2018 (HOL) -Tartanka kubad-cag-yaraha qaaradda Afrika (African Mini Football Federation) ayaa ka bilowday dalka Liibiya, ayadoo ay ka qeybgalayaa xulal ka socda qaar kamid ah dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

Dalka Liibiya ayaa sanadkan marti-geliyay tartanka, ayadoo kooxaha kasoo gudba tartankan ay ka qeybgali doonaan tartanka kubad –cag-yaraha adduunka oo sanadda 2019 lagu qaban doono dalka Australia, sida ay HOL u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan xiriirka kubad-cag-yaraha qaaradda Afrika.

Gudoomiyaha Tartamada kubadda cag-yaraha Afrika Cabdi Max’ed Axmed (Cabdi Xaaq) oo la hadlay shabakadda HOL ayaa sheegay in tartanku uu si habsami leh uga socdo Liibiya, isagoo xusay in xulka Soomaaliya uu Groub kula jiro dalalka Ghana, Ivory Coast iyo Liibiya.

Ciyaartii ugu horeeysay ee tartanka ayaa lagu furay dalka martigelinaya iyo Ivory Coast, waxaana 1-0 ay guusha ku raacday xulkii matalayay dalka Ivory Coast.

Ciyaartii labaad ee Groub-kaasi ayaa waxaa wada dheelay xulka Ghana iyo Ivory Coast, waxaana 6-0 ay guusha ku raacday xulkii matalayay dalka Ghana.

Xalay ayaa waxaa wada dheelay xulka qaranka Soomaaliya matalaya iyo kan Liibiya, waxaana 5- 0 ay guusha ku raacday xulkii matalayay Liibiya.

“Xulka Soomaaliya waxay kasoo daaheen tartanka, shalay ciyaartooydooda qaar kamid ah waxay soo gaareen Liibiya abaare 2:00 habeennimo ayagoo ciyaarta la filayay in ay bilaabato isla saacaddaasi, mudo 1:30 ayaa dib loo dhigay ciyaarta, waxayna garoonka galeen 3:30 habeennimo,” ayuu yiri Mudane Cabdi Xaaq oo la hadlayay HOL.

Xulka matalaya Soomaaliya waxaa hogaaminaya Macallin Cismaan Muunye (Iskood) oo xilligii ay dhisnayd dowladdii hore ee dalka kamid ahaa xulkii qaranka Soomaaliya, waxaana macallin kuxigeen u ah Axmed Cali Culusoow.

Ciyaartooyada mataleeysa Soomaaliya ayaa laga kala keenay magaalada Muqdisho iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka, ayadoo ay xusid mudantahay in Captanka kooxda uu yahay ciyaartooy laga keenay magaalada Kismaayo oo maalintii u danbeeysay ee uu tartanka furmayay gaaray dalkaasi.

Soomaaliya ayaa maalinta berito ah la dheeli doonta xulka dalka Ivory Coast oo labadii ciyaar ee ugu horeeysay soo badiyay, waxaana haddii Soomaaliya ay ciyaartan badiso ay u kamid noqon doontaa xulalka qaaradda Afrika ee ka qeybgali doona tartanka Mini-football-ka adduunka oo 2019 lagu qaban doono dalka Australia.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.