4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2018
Abwaan Niciima Qorane oo cafis madaxweyne Saaka lagu siidaayey

Isniin, May, 07 ,2018  (HOL) – Abwaano Niciimo Qorane oo muddo afar bilood ah ku xidhnayd xabsiga ayaa maanta lagu siidaayey cafis madaxweyne.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa saaaka cafis madaxweyne ku siidaayey Niciima Qorane oo saddex sanno maxkamadda gobolka Hargeysi ku xukuntay, taas oo loo wareejiyey xabsiga magaaladda Gabiley oo saaka laga sii daayey.

Niciima Abwaan Qorane ayaa ah gabadh da’yar oo abwaanadda,isla markaana aabaheedna uu abwaan yahay, waxaana afar bilood ka dib laga siidaayey xabsiga.

Saddex cisho ka hor ayuu madaxweyne Biixi la kulmay Aabaha dhalay Niciima Qorane, waxaanu ka dalbaday in la siidaayo, waxaanu warbaahinta u sheegay in madaxweynuhu ka aqballay inuu cafis ku siidaayo Naciima Qoranne.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.