Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Qaraxyadii xalay laga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda
Amniga gudaha dowladda Soomaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa sheegay
in qaraxyadii xalay laga maqlay magaalada ahaayeen kuwa macmal ah oo aan aheyn
madaafiic run ah.
Dadka reer Muqdisho ayaa xalay si wayn u maqlay
dhawaqyada wax u eg madaafiic oo magaalada ku soo dhacay, hasse ahaatee
dowladda waa ay beenisay.
Wuxuu sheegay Wasiirka in Qaraxyadaasi ahaayeen
oo kaliya kuwo la doonayay in lagu qalqal galiyo shacabka ku dhaqan magaalada,
islamarkaana hay’adda Amnigu ogaadeen in ay ahaayeen wax loo ekeysiiyay qarax,
laakiin aan wax dhibaato ah geysan.
Ciidammada ammaanka ayaa heegan buuxa la geliyay bishan Ramadaan oo xalay
bilaabatay, maadaama laga cabsi qabo in Al-shabaab ay magaalada gudaheeda ka
geystaan weeraro.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in sare loo qaaday Amiga magaalada
Muqdisho inta lagu guda-jiro bisha Ramadaaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]