Talaado, May, 15, 2018 (HOL) -Madaxweynaha
Somaliland Muuse Biixi ayaa ka hadlay dagaalka saakay ka dhacay deegaanka
Tuko-raq, waxaanu ku eedeeyey Soomaaliya inay dagaalkaasi ku soo qaaday,isla
markaana ay iska difaaceen.
Madaxweynaha ayaa sidaas ka
sheegay khudbadii maanta ee xuska 18 May ee magaaladda Hargeysa, waxaanu
hadalkiisa ku bilaabay dagaalkaasi ka dhacay oo uu sheegay inay ku wiiqeen
xoogagii soo weeraray.
“Shacabka Somaliland meelkasta oo
ay joogaan waxaan u sheegayaa oo aan ku wargalinayaa in dawlada Soomaaliya ku
soo qaaday ciidamadankeena Militariga ee Jiidda hore dagaal, ciidamadeena waxay
guulo ka gaadheen jihooyinkii laga soo weeraray oo ay jabiyeen difaacii
ciidankii soo weeray oo ay hubna ka furteen.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo
maanta ka hadlayey dagaalkaasi.
Waxaanu intaas ku daray
“Caalamkana waxaanu u sheegayna in saddexdii bilood ee u dambeeyey ay shan iyo
labaatan jeer na soo weerareen oo ay ku soo rideen rasaas ciidanka, iyagoo lixdan
KM gudaha Somaliland usoo galay oo ay xadkoodii ka soo gudbeen, intaas oo dhan
nabad baanu u taagnayn oo aanu iska ilaalinayna in dagaal dhaco, Waxa aanu u sheegaynaa
ragga nasoo weeraray inaanu u dhigi doono casharkii aanu u dhignay Af-weyne iyo kuwa ay wax moodayaan ee
Moorgan Gaanni kuwii ay soo qaadeen, waxa aanu u sheegaynaa inay nasoo
xasuusiyeen dagaalladii soddon sano ka hor dalka ka dhacayey iyo wixii lasoo
maray.”
Madaxweynuhu ma sheegin
khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo la sheegay inuu ahaa mid balaadhan oo
dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dhinaca kale, waxa ciidamada
Somaliland qaybihiis kala duwan saaka gaardis ku mareen madaxweynaha hortiisa,
waxaana si balaadhan looga xusay 27 guuradii ka soo wareegtay madax banaanida
Somaliland,
Waxaanu madaxweynuhu ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanyasa.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay
dhibaatooyinka haysta Somaliland oo uu sheegay inay ugu horeyso qabyaalad iyo
qaad, waxaanu ka hadlay dagaaladda ka dhacay Sanaag, waxaanu yidhi “waxa aad
dhammaantiin ila dareensan tihiin in Qabyaaladda, Qaadka, Colaadaha beelaysan
ee soo noq-noqday iyo is-aaminaad la’aanta shacabka ee meelaha qaarkood ka jirtaa
ay tahay dhibaato xoog badan oo dalkeena hortaala, mustaqbalkiisana culays ku
haysa.
Colaadsa ka aloosan Gobolka
Sanaag, waxa aan u arkaa nasiib daro, waa
dhiig ku daadanaya xaq daro, Dawladda waxa ka go’an inay ka qaaddo tallaabo
dawladnimo oo ay soo xidh-xidho oo gacnata kusoo dhigto qof kasta oo nabad-diid
ah. Waxaad og tihiin in Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo odayaashii Guurtidu ay
bil fadhiyeen deegaankaas, waxana Ilaahay mahaddii ah in dhawaad konton qof oo
hubaysan inay ciidanku hubkii ka dhigeen, una gudbiyeen Boorama, kuwa lasoo
wadona waxa aanu u gudbin doonnaa Saylac, Inanta, inanka, taajirka iyo ku kasta
oo dagaalkaas ka qayb qaata oo fidno-wade ah, gacan dawladeed baanu ku
qabanaynaa, waana naga go’aan oo waanu isku raacsannahay. Dhammaanba waxgaradka
Sanaag waxa aan ugu baaqayaa inay ka hawlgalaan daminta colaadda ay
wax ma-garatada iyo dadka fidno-wadeyaasha ahi abuurayaan, waxa aan si
gaar ahaan waxa aan si gaar ah baaq ugu jeedinayaa maayarka Ceerigaabo iyo odayaasheedu inay ka hawlgalaan waxyaabaha ilaa shalay ka dhacaya,
waana arrin naxdin leh in magaalo weyn oo Ceerigaabo oo kale ah in
wiilal yaryari qoryo la soo galaan oo dad xabbado ku dhuftaan.”
Waxaanu intaas ku daray “Walaalayaal, waxa aan ugu baaqayaa dhammaan
shacabka Somaliland in ay midoobaan, in ay is-aaminaan, in ay
iskaashadaan. Waxa aynu ku weyno iskaashi iyo walaalnimo, lagu heli
maayo kalifaad iyo jujuub.”,
Sidoo kale, Goboladda iyo magaaloooyinka waaweyn ayaa si weyn looga
xusay dagaaldega 18 May oo loo soo raray 15 May.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.