Shirka Baydhabo ee madaxda dowlad gobolleedyada oo galay maalintii labaad

Talaado, May. 15, 2018 (HOL) --Waxaa magaalada
Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka soconaya maalintii labaad shir ay halkaa ku
leeyihiin madaxda dowlad gobolleedyada dalka Soomaaliya.
Waxaa shirka jooga oo ka qeybgalaya
madaxweynayaasha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Jubbaland
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaalle
Geelle (Xaaf), madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, madaxweyne
Shariif Xassan oo marti loo yahay iyo xubno kale.
Kulanka ayaa maalintii shalay lagu lafa-guray
arrimo badan oo khuseeya xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana dhammaan madaxda
maamul goboleedyada isku raaceen
khubadahoodii shalay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diidan tahay nidaamka
Federaalka.
Hasse ahaatee marka dhinaca kale la eego qodobada ugu waaweyn ee shirkan
lagu falanqeynayo ayaa waxaa ka mid ah Amniga iyo sidii ururka Al-shabaab looga
xoreyn lahaa deegaannada ay heystaan, qeybsiga kheyraadka dalka iyo sidii wax
iyaga ay isku waafaqsan yihiin ay ula hortagi lahaayeen dowladda federaalka.
Waxaa maalmihii ugu danbeeyay sii xumaanayay xiriir qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo
dowladda dhexe kadib markii ay isku
khilaafeen go’aanka dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka qaar ka mid ah
dalalka carabta.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com