Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka shiraya hidise sharciyeed saameynaya shirkaddaha shisheeye
Sabti, May, 12, 2018 (HOL)–Mudanayaasha
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeynaya sharciga Shirkadaha dalka, waxaana
ka mid hindise sharciyeedyada ay xukuumadda u soo gudbisay Baarlamaanka.
Sharciga Shirkaddaha ayaa ka mid ah sharciga ugu
saameynta badan ee dalka, kaa soo haddii la dhaqan geliyo wax badan ka bedelaya
hab dhaqanada shirkadaha ka howlgala dalka, kuwaasoo aanay bixin xuquuqdii ku
waajibtay iyo canshuurta.
Ajandaha ayaa la sheegay in lagu daray sharciga
shirkadaha (Company Law), waxaana la filayaa in dooda hindise sharciyeedkan uu
qaato maalmo, islamarkaana ugu dambeyn la ansixiyo.
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed
Mursal oo khamiistii la caleema saaray ayaa kulankiisa labaad maanta shir
guddoomin doonoa.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor yaaala howlo
adag oo ay ugu muhiimsan tahay Hindise sharciyeedyo fara badan oo ay xukuumadda
u soo gudbisay, waxaana ka mid ah hindise sharciyeedyo illaa baarlamaankii 9aad
yaalay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]