Jimco, May,
11, 2018 (HOL) –Warar goor dhaw naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa
sheegaya in ugu yaraan saddex ruux ku dhinteen xaafadda Xaawo –Taako, gaar
ahaan halka lagu magacaabo Buundo-Koowaad kaddib markii ay gadoontay Gagaf ay
la socdeen dad isaga kala gooshayay magaalada oo mar kale ay daadad ku dhufteen.
Qof ku sugan
magaalada oo goor dhaw la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in dadka dhintay
uu ka mid ahaa sheekh siweyn loo garanayay magaalada oo lagu magacaabo Sheekh
Suleymaan kana soo jeeda Qowmiyada Oromada, halka dhinaca dhinaca kalana ilaa
iyo hada lagu la’yahay biyaha labo wiil oo dhalinyarro ah.
Dadka saarnaa gaaariga oo ka badnaa ilaa Konton qof ayaa ka yimid deegaanka loo barakacay ee CeelJaale iyaga oo ku sii jeeday qeybaha kale ee magaalada.
Sidoo kale
waxaa la rumeysan yahay in ay jiraan dad ku hoos jira Cagafta ku gadoontay
Buundada, waxaana soconaya gurmad xoog leh oo fidinayo dadka ay wax yeeladu soo
gaartay.
Todobad ka hor
ayeey aheyd markii sidan oo kale gaari Cagaf-cagaf ah oo ay la socdeen ku
dhawaad 100 ruux ku qalibatay bartamaha isla Buundada oo uu maro Togga ugu weyn
ee biyaha ku dara Wabiga Shabeelle, waxana xiligaa ku dhintay inta la
xaqiijinayo gabar ka mid aheyd dadkii la socday gaariga.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]