4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2018
Ra’iisal Wasaaraha dalka oo kormeeray xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya
Khamiis, May 10, 2018 (HOL) -Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta dhexe maamulka hawada Soomaaliya, ayadoo raysul wasaaruhu ku kuurgalayay howlaha shaqo ee xaruntani.

Raysul wasaaraha dalka iyo xubnihii la socday waxaa xarunta maamulka hawada oo ku taal garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka wasaaradda duulista hawan Mudane Max’ed C/laahi Salaad (Oomaar).

Wasiirka ayaa wafdiga raysul wasaaraha warbixin ka siiyay adeegyada muhiimka ah ee ay xarunta qabato, isagoo howlwadeennada xarunta sheegay in ay howlo baaxad leh qabteen mudadii ay xarunta shaqeyneysay.

Raysul wasaare Khayre ayaa hadallo dhiirigelin ah u jeediyay maamulka iyo howlwadeennada kale ee xarunta, isagoo uga mahadceliyay howsha ay u hayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.