Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Ciyaaryahanka
caanka ah ee kubbadda cagta ee dalka Talyaaniga Mario Balotello ayaa dhaleeceyn
usoo jeediyay nin xildhibaan ah oo madoow ah, kaas oo loo doortay Aqalka Sare
ee Talyaaniga, kuna soo baxay xisbiga kasoo horjeeda dadka soogalootiga ah ee
Lega.
Xildhibaankan
waxaa lagu magacaabaa Mr Iwobi, wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa dalka Nigeria,
isaga oo tagay Talyaaniga 1876-dii.
Balotello ayaa
sheegay in ay tahay 'ceeb' iyo wax laga xumaado in nin madoow ah uu matali karo
siyaasadaha xisbigan oo ku caan baxay diidmada dadka madoow iyo dadka
soogalootiga ah.
Wuxuu noqonayaa ninkii ugu horeeyay oo madoow ah oo gala
Aqalka Sare ee dalka Talyaaniga.
Fariin uu soo dhigay Facebook ayuu Mr Iwobi ugu
mahadceliyay hoggaamiyaha xisbigiisa Mr Matteo Salvini oo ah nin mayal adag.
Balotello ayaa ku
caan baxay in uu ka hadlo arrimaha takoorka ah ee lagu hayo dadka Madoowga ah.
Xisbiga Lega ayaa
waxa uu ka midyahay isbahaysiga midigta ah ee heley inta badan kuraastii loo
tartamay, waxayna ka dhigantahay in dadka Talyaaniga ay inta badan u codeeyeen
xisbiyada siyaasadaha kulul.
Xigasho BBC