Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed
C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan albaabada u xirnaa la qaatay
Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuxigeenadiisa, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir,
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo saraakiil kale.
Madaxweynaha ayaa guddoomiyayaasha gobolka Banaadir kala hadlay arrimo la
xiriira Amniga guud gobolka Banaadir iyo
sidii guddoomiyeyaasha degmooyinka ay u qaadan lahaayeen doorkooda sugida
amniga degmada ay madaxda u yihiin.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday guddoomiyeyaasha degmooyinka inay xil
weyn iska saaraan waajibaadkooda, isla markaana cid walba lagula xisaabtami
doono howsha ay heyso.
Waxaa uu ku wargeliyay inay la shaqeeyaan Taliyeyaasha ciidamada xasilinta,
si ay uga qeyb qaataan howl galada amniga caasimadda lagu sugayo.
Sidoo kale warar qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha
gudaha ay ugu laab-qaboojiyeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka in shaqadooda ka
soo baxaan, isla markaana meesha ka saaray wararka maalmahan suuqa soo galay ee
ku aadan in xilalka laga qaadayo.
Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa
qeyb ka ahaa kulamo uu maalmihii la soo dhaafay uu Madaxweynaha la qaadanayay
Taliyeyaasha ciidamada iyo laamaha amniga oo looga hadlayay arrimaha xasilinta
Caasimadda oo todobaadyo ka hor dilal iyo qaraxyo ay ka dhaceen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]