Khamiis, Maarso, 08, 2018 (HOL) - Iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada Al-shabaab
ay ka geysanayaan gobolka Shabeellaha Hoose, ayuu sheegay maamulka Koonfur Galbeed
in Amniga gobolka loo tababarayo ciidamo gaaraya 2, 500 oo Askari.
Afhayeenka madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin (Gacma) ayaa
sheegay in gobolka loo qorsheeyay ciidamo gaaraya 2,500 hadana uu socdo abaabul
ku aadan qaabkii Ciidamadan loo dhisi lahaa oo qeybtood ay hadaba diyaar
yihiin.
Wuxuu sheegay ciidamadan degaanka ah marka la diyaariyo in ay la wareegi
doonaan ammaanka goobaha ay qabsadaan ciidamada militari ah iyo kuwa
Kummaandooska.
Sidoo kale Nuuradiin ayaa sheegay marka Ciidamada uu tababarkooda dhamaado
in la siin doono Hub iyo wixii agab ah oo ay u baahan yihiin, si ay Shabaab ula
dagaalamaan, ugana saaraan degaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.
“Al-shabaab mararka qaar weeraro wey sameeyaan balse inta badan waalaga
saaray gobolka, Howlgalka sanadkan cusub bilowday wuxuu noqon doonaa midkii
Shabaab looga sifeyn lahaa Gobolka, ayuu yiri afhayeenka.
Ururka Al-shabaab ayaa u muuqda kuwa kordhiyay weerarrada ay ka geysanayaan
Gobolka Shabeellaha Hoose.
Jimcihii ina dhaaftay Ismiidaamiye Al-shabaab
ka tirsanaa oo kaxeynayay Gaari Qaraxyo ay saaran yihiin ayaa beegsaday xero
Ciidanka Imaaraadka ay ku leeyihiin degmada Afgooye, halkaasi oo uu ka dhashay
khasaare kala duwan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]