4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2018
Degmada Jalalaqsi oo lagu arkay wax u eg magaalo dhisan oo hawada sare ku socta

 

Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL)–Arrin ugub ah oo ku  cusub dhagaha Shacabka Soomaaliyeed ayeey noqotay kaddib markii qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sheegeen in ay arkeen gabal-dhicii shalay wax u eg magaalo dhisan oo dulmareysa degmada.

Amiin Cali Makaraan oo ka mid dadka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in deegaan 25km u jira degmada oo lagu magacaabo Qoryaale gabaldhicii shalay ku arkeen wax u eg xaafad dhisan oo ku socta hawada korkeeda.

Shaqsigan oo la hadlay Warbaahinta Kulmiye ayaa sheegay in markii hore dad jooga meel ka baxsan degmada ku soo wargaliyeen, laakiin intaa kaddib markii danbe ay iyagu Idhahooda ku arkeen muuqalkan oo sida uu u fasiray u eg xaafad dhan oo dhismayaasheedu u dhameystiran yihiin.

‘’Walaaloow waxaa idhaheena ku aragnay magaaalo dhan oo socta, oo dhismayaal kala duwan leh, Geedo leh, Masaajido leh, Guryaha qaar daaqadaha u furan yihiin, Dabaqyo dhadheer leh, waxaa ay naga soo galeen dhinaca Waqooyi kaddibna waxaa ay u dhamaadeen dhinaca Koonfureed’’ ayuu yiri Amiin Cali Makaraan.

Wuxuu sheegay in markii ay arintan ka war helleen dadka qaarkood u dhaqaaqeen dhinaca uu naga xigey muuqalkan, halka qaar kalana bilaabeen in Qur’aan Akhristaan.

‘’Markii ay magaaladii oo dhan isku soo baxday oo la arkay magaaladan socta, dadka qaar ayaa aaday bal si ay ugu dhawaadaan, halka kuwa kalana bilaabeen in ay Qur’aan Akhristaan’’ ayuu yiri Amiin.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidoow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in bulshada ku soo wargaliyeen in ay arkeen wax u eg xaafad, islamarkaana arkeen wax wada ifaya oo magaalada ku soo dhawaaday.

‘’Bulshada ayaa nagu soo wargaliysay in ay xalay arkeen wax aan masaafo dheer ku socon oo wada ifaya, dadkana arintaa wax ay ku sifeyn karaan malaha oo waxaa ay ku adkeysanayaan in ay tahay mucjiso, ‘’ayuu yiri guddoomiyaha.

Laakiin dadka qaar waxa ay arintan u fasireen Dayax Gacmeed joog hoose ku socda,  maamulkana waxaa uu sheegay in wali ay wadaan baaritaan iyo wareysiyo lala yeelanayo dadkii arkey arintan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]