Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday dhalinyaro ku eedeysan farsameynta qaraxyada
Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee
Soomaaliya ayaa saakay oo Axad ah xukun Maxkamadeed waxaa ay ku riday
eedeysanayaal loo heystay ka mid noqoshada ururka Al-shabaab.
Ragga maanta xukunka lagu riday oo Saddex ah ayaa waxaa ay kala
yihiin Maxamed C/raxmaan Maxamuud 30 sano jir ah oo Shabeellaha Hoose ku
dhashay, Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan weerar oo labaduba Muqdisho ku
dhashay.
Maxamed C/raxmaan Maxamuud ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka tirsan
yahay Shabaab, una qaabilsan yahay qeybta Qaraxyada, sidoo kale waxaa lagu soo
eedeeyay inuu yahay Macalin bara sameynta Qaraxyada laba eedeysane ee kale.
Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Xassan Cali Nuur Shuute ayaa
sheegay Jamaal iyo Aadan in lagu soo eedeeyay in ay ka tirsan yihiin ururka
Al-shabaab, una qaabilsanaayeen qeybta Qaraxyada.
Wuxuu sheegay Gaashaanle Shuute ciidamada ammaanka raggan in ay soo qabteen
iyada oo ay qarax ku diyaarinayeen guri ku yaalla degaanka Ceelasha Biyaha ee
ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay raggan in ay
Maxkamadda ka hor qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, lana dhageystay
doodii u dhaxeysay xeer ilaalinta iyo Qareennada difaacayay raggan.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maxamed C/raxmaan Maxamuud waxa ay ku
xukuntay xabsi daa’in, iyada oo Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan weerar ku
xukuntay min 10 sano oo xabsi ciidan ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]