Cabdiwali Muudeey : Mooshinka laga keenay Jawaari waa sharci, wuuna dhaqan-galay
Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL) – Guddoomiye ku-xigeenka
koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudeey oo warbaahinta la
hadlay ayaa sheegay in uu sharci yahay mooshinka laga keenay guddoomiyaha
baarlamaanka Prof Jawaari, sidaana uu ku dhaqan galay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shalay
warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mooshinkii laga
keenay uu buray, Sabtida wixii ka
dambeeyana ay bilaabanayaan Howlaha Baarlamaanka.
Balse guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali
Muudeey ayaa sheegay in mooshinka uu dhaqan-gal noqday wixii ka danbeeyay
markii uu saxiixay, islamarkaana la hubiyay sharci ahaanshihiisa.
“Mooshinka laga keenay guddoomiyaha
Baarlamaanka, waxaa ii keenay Xildhibaanno, wuxuuna sharci noqday markii aan
saxiixay, oo aan fiiriyay sharciyadiisa inay dhameystiran tahay, Guddiga
Joogtada u yeeristiisa anigaa is ka leh, mar hadaan aniga u yeerin sharci ma
aheyn in uu fariisto, mar hadii Guddoomiyaha mooshin laga keenay, taasna muran
kamaba jiro.” ayuu yiri Cabdiwali Muudey.
Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhi ay ku yeesheen
magaalada Muqdisho waxaa ay ku sheegeen in dhinaca sharciga uu mooshinkaa ku
bur buray, madaama sida ay hadalka u dhigeen uu waayay Kooramkii loo baahnaa in
uu sharci ku noqdo.
Guddoonka baarlamaanka ayaa hadda u muuqda mid labo garab u kala jabay, waxaana
muuqata in arimuhu yihiin kuwo siyaasadeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]