Axad, Maarso, 11, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha
maamulka gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa
markii ugu horeysay ka hadlay arrinta ku aadan maqaamka caasimada.
Isaga oo ka hor hadlayay munaasabadii furitaanka Kalfadhigii saddexaad ee baarlamaanka
Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay dadka ku nool gobolka Banaadir inay u baahan
yihiin helida xuquuqda matalaada siyaasadeed ee ay dalka ku leeyihiin.
Gudoomiye Yariisow, ayaa wuxuu tilmaamay maqaamka caasimada oo ku yimaada
arrin Dastuuri ah in ay tahay waxa ay u baahan yihiin bulshada gobolka Banaadir
ku nool.
“ Waxaan dalbaneynaa Xuquuqdii ay lahaayeen bulshada ku dhaqan gobolka , gobolka
Banaadir wuxuu la mid yahay gobolada dalka, sidaasi daraadeed waxaa ay rabaan
matalaad in ay ku helaan Aqalka Sare, waxa ay rabaan maqaamka in la dadajiyo, Anagana
waxaan codsaneynaa bacdamaa Dastuurka uu qeexayo qodobka 9aad, Maqaam ku yimid
si hab Dastuuri ah ku yimid si madaxda Qaranka iyo dhamaan Shacabka lagala
tashtay”ayuu yiri Yariisoow
Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa sheegay in bulshada
dhibaato adag ku qabaan xirnaanshaha Waddooyinka magaalada xilliyada ay
Baarlamaanka shirayaan.
Waxaa uu ka dalbaday ugu danbeyntii xubnaha Golaha Shacabka in Wadooyinka
aanan laga xiran shacabka Soomaaliyeed si isu socodka dadka iyo gaadiidka uu
caadi ku noqdo.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]