Qaramada Midoobey oo ka digtay nafaqo darro ku soo fool leh carruurta Soomaaliyeed
Sabti, June, 09, 2018 (HOL) - Hay’adda Qaramada
Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa ka digtay in caruur kor u
dhaafaysa 1.25 Milyan oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an
sanadkan, sababo la xiriira fatahaadihii ka dhacay Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu
magacaabo, Stephane Dujarric oo Jimcihii shalay saxaafadda siinayay warbixinta
joogtada ah ee daadadka tan iyo Bishii April ee sanadkan ayaa sheegay inay
jirto halis nafaqa darro.
Waxa uu sidoo kale sheegay in hay’addu ay ogaatay
in kala bar caruurta ay da’doodu ka yar tahay Shan jir oo ah in ka badan 1,25
Milyan ay wajahayaan sanadkan xaalad nafaqo darro, waxaana dadkaasi ka mid ah,
232,000 caruur ah oo ay hayso nafaqo-xumo ba’an, kuwaas oo u baahan daryeel gaar
ah.
Goobihii ay ka dhaceen daadadka ayaa laga baqdin qabaa in ay ka dilaacaan
cudurrada halista ah sida Jadeecada, Shuban Biyoodka iyo daacuunka , kuwaas oo
meelaha qaarba laga helay kiisaskooda balse lala tacaalay.
Daadadka ka dhacay Soomaaliya ayaa waxyeeleeyay xarumahii fayadhowrka, 22
xarun oo lagu nafaqaynayay 6,000 oo Carruur barakacayaal ah, iyagoo sababay
inay xirmaan goobo badan oo lagu nafaqaynayay dhallaanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa barnaamijka lagu gargaarayo dadka ay
waxyeellada ka soo gaartay fatahaaddu, waxanay Wasaaradda caafimaadka geysay
dawo loogu tala galay in wax lagaga qabto cudurada ka dillaaca goobaha ay ka
dhaceen fatahaadda iyo daadadka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]