Wasiiru-dowlaha Boostada oo ka hor yimid dhismaha guddiga adeegga Isgaarsiinta

Arbaco, June, 27. 2018 (HOL) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Boostada iyo
Isgaarsiinta C/llaahi Bile Nuur ayaa ka horyimid magacaabida Guddiga
Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhowaan qoraal ku soo saaray Wasiirka Boostada iyo
Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan.
Qoraal warbaahinta soo gaaray oo uu qoray Wasiiru-dowlaha ayuu ku ogeysiiyay Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi
Canshuur Xasan iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana qoraalka lagu soo bandhagay
cabashada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo maamul goboleedyada ka keeneen
xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaran oo Hal shirkad u badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
diini@hiiiraan.com