Isniin, June, 25. 2018 (HOL) - Deegaannada Puntland,
waxaa ku qulqulaya tiradii ugu badneyd oo tahriibayaal Itoobiyan ah, kuwaaso
ujeedkoodu uu yahay siddii ay ku gaari lahaayeen magaalada dekedda leh ee
Boosaaso oo ay si dhuumaaleysi ah uga tahriibaan.
Waddada dheer ee laamiga ah ee dhex marta degmada Carmo
oo 100 km u jirta magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa lug ku marey
tahriibayaal badan oo ka imanaya dhinaca Itoobiya, kuwaaso lugu qiyaasay illaa
saddex boqol oo ruux, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Hiiraan Online.
Agaasimaha hay’adda daryeelka mujaahiriinta
Puntland,Maxamuud Sheekh Ciid wuxuu dhankiisa xaqiijiyay bilihii u dambeeyay
inay diiwaangaliyeen illaa toddobo kun oo tahriibayaal Itoobiyan oo gaaray
magaalada Boosaaso.
"Tahriibka waa sharci darro Puntland, waana dambi ka
mid ah ciddii lugu helo iyadoo gacanta kula jirto kuwa aan la cafin ama racfaan
laga qaadan karin." ayuu yiri Maxamuud Sh. Ciid oo la hadlay idaacadda
VOA-da , wuxuuna inta ku daray inaysan awood buuxda u lahayn ka hortaga
kumannaanka tahriibayaasha ah ee gaara magaalada Boosaaso.
Tahriibayaasha ayaa xilligan gaaraya magaalada
Boosaaso ,iyadoo cimilada aad u kulushahay, safarka badduna uu adag yahay
maaddaama lagu guda jiro bilihii bad xiranka, waxaana xusid mudan dhammaadkii
bishii May ee sannadkan doon ka baxdey magaalada Boosaaso inay ku degtay biyaha
isku xira Boosaaso iyo Yemen, waxaana ku geeryooday 45 qof.
Iman Jama