Sabti, June. 23, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee
Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii saaka
ka dhacay fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay isugu soo
baxeen kumanaan ruux oo taageerayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay falkaas macno darada
ee lagu waxyeeleeyay dadka rayidka ah ee isugu soo baxay banaan baxa.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii maanta lagula beegsday dadkii kasoo
qeyb galay isu soo bixii lagu taageerayay RW Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Horumarka
Ethiopia iyo midka gobolka ma aha mid lagu hor istaagi karo argagixin iyo
fowdo”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo qoraal lagu soo qoray barta Twitter-ka.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul
Wasaaraha Itoobiya, isagoo u muujiyay garab-istaag, kana tacsiyadeeyay dadkii
dhibanayaasha ahaa ee waxyeelada ka soo gaartay qaraxaas.
Qaraxii saaka ka dhacay fagaaraha Meskel Square ayaa dad kala duwan loo
qabtay, waxaana warbaahinta Itoobiya ay soo warineysaa in qofka tuuray bam
gacmeedka uu xirnaa dharka ciidamada.
Illaa iyo hada lama sheegin tirada rasmiga ee ku dhimataya, hase ahaatee
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in tiro dad ay ku dhinteen, halka
kuwa kale ay ku dhaawacmeen.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa la arkayay ka hor inta aanu qaraxa dhicin
ku jiray muraayad wareegsan oo uu ka khudbeynayay, waxaana muraayadda aheyd mid
aan xabadaha karin, iyadoo uu markii hore uu jiray dareen amni.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]