3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2018
Madaxweyne Gaas “Laascaanood iyo Garoowe xuduud makala yeelan-doonaan taa hala oggaado”

 

Sabti, June. 23, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland , Cabdiweli Gaas oo maanta si rasmi ah u furey kalfadhiga 41 aad ee Baarlamaanka Puntland, wuxuu ku celiyay Puntland inaysan wax wada-xaajood ah ka gali doonin magaalada Laascaanood, wuxuu marka caddeeyay magaalada xarunta ah ee Garoowe iyo Laascaanood inaysan yeelan- doonin xaduud.

Puntland waxay aqoonsan tahay xaduudii ay dowladdii Soomaaliya u kala sameysay gobollada Togdheer iyo Sool, haddii ay wax ka qaldan yihiin waxaan kala hadlaynaa cidkasta oo samadoon ah, laakiin Gobolka Sool iyo Gobolka Nugaal dhexdooda cidii wadahadal ka doonaysa dee waxaan ku leenahay “ Af aadan lahayn aamus lama yiraahdo” beentaas yaan waqti la iskaga qaadin Laascaanood iyo Garoowe xuduud makala yeelan-doonaan taa hala oggaado.” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

“Muuse Biixi wuxuu ku doodayaa Ingiriis ayaa gobolka Sool nasiiyay, waxaan u sheegaynaa Ingiriis dhulkaan malaha, wuxuu ahaa gumeyste maalmo joogay oo aan iska xoreynay, kumanaan Daraawiish ah iyo Soomaali kale ayaa dhiigooda u huray Naftoodana u hibeeyey si ay iskaga xoreeyaan heeryadaas gumeysiga.. Haddaba Muuse Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis uu dhul kusiinayo Laascaanood maaha London, Xuduna maaha Birmingham, Taleex-na maaha Cardiff .”ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynaha Puntland.

Gabagabadii, madaxweynaha wuxuu xaqiijiyay inaysan jirin wax wadahadal ah oo u dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland, xilli wali ciidamo labada dhinac ah ay isku hor fadhiyaan deegaanka Tukaraq.

Iman Jama


 













Click here
6/23/2018 3:56 PM EST
Sabti, June, 23, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kormeer kadis ah ku tagay Dugsiga Tababarka ee Jen. Gordon oo horay ay u maamuli jireen Imaaraadka Carabta.

6/23/2018 3:39 PM EST
Sabti, June. 23, 2018 (HOL)-Dalka Jabuuti ayaa waxaa bisha July 4-7 ee Sanadka 2018 lagu qaban doonaa shir ballaaran oo ay wada yeelan doonaan wadamada Afrika iyo Shiinaha, waxaana shirkaas ka qayb gali doona madax ka tirsan dowladaha Afrika iyo Shiinaha.

6/23/2018 12:19 PM EST
Sabti, June. 23, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii saaka ka dhacay fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay isugu soo baxeen kumanaan ruux oo taageerayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

6/23/2018 10:18 AM EST
Sabti, June. 23, 2018 (HOL) - Aqoonyahano Soomaaliyeed oo isugu jira qabiiro dhinaca beeraha,wasiiro xilala ka soo qabtay Wasaarada Beeraha Soomaaliya,iyo masuuliyiin ku taqasusay cilmiga deegaanka ayaa shir uga furmay magalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka

6/23/2018 9:36 AM EST
Sabti, June. 23, 2018 (HOL) - Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa maanta ka furmay kal-fadhigii 41-aad ee golaha wakiillada Puntland. Kal-fadhigan oo ay xildhibaannadu arrimo dhowr ah ku eegi doonaan, waxaa si rasmi ah u furay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) .

6/23/2018 6:58 AM EST
Sabti, June. 23, 2018 (HOL) Xukuumadda Somaliland ayaa dacwad ka dhan ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ka gudbisay, isla markaana ku eedeysay inuu dhinac u xagliyey arrinta Tuko raq ee Khilaafka dhul ka taagan yahay.

6/23/2018 6:14 AM EST
Sabti, June. 23, 2018 (HOL) Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayay TV –ga Qaranka ayaa sheegay in tiro dad ah ku dhinteen kuwa kalana ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan Qaraxii lala eegta dibadbixii fagaaraha Meskel Square.

6/23/2018 4:17 AM EST
Sabti, June. 23, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Addib Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Qarax uu ka dhacay meel aan ka fogeyn goob uu ka khudbeynayay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo la hadlayay Kumannaan ruux oo isugu soo baxay dibedbax isaga lagu taageerayay.

6/23/2018 3:34 AM EST
Daawo Carwo lagu soo Bandhigayo Dhaqanka & Taariikhda Soomaalida oo la yiraahdo (Somalis + Minnesota)

6/23/2018 2:47 AM EST
Sabti June, 23, 2018 (HOL)-Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin Muhaajiriin Afrikaan oo dhawaan lasoo badbaadiyay ,kuwaasoo Saaran Markab taagan xeebaha dalkaasi.

6/23/2018 1:17 AM EST
Sabti June, 23, 2018 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xilalkii uga qaaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

6/23/2018 12:16 AM EST
Sabti June, 23, 2018 (HOL)-Taliska ciidamada xoogga dalka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la soo afjray colaad ku dhawaad Labo sano ka taageyd deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

6/23/2018 12:09 AM EST
Sabti June, 23, 2018 (HOL)-Spain ayaa lagu wadaa in ay la wareegto taliska Britain ee howlgalka badda ee Midowga Yurub ee la dagaallanka burcad-badeedda Soomaalida sannadka soo socda .

6/23/2018 12:07 AM EST
Sabti June, 23, 2018 (HOL)-Waxaa saacadaha soo socda xirmaya Ololaha doorashadda dalka Turkiga maanta ayaana ah maalintii ugu dambeysay ololaha doorashada dalka Turkiga ka hor inta aan berri oo Axad ah loo dareerin doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

6/23/2018 12:02 AM EST
Sabti June, 23, 2018 (HOL)-Dagaal culus isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ayeey xalay Al-shabaab ku qaadeen kolanyo ay la socdeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM meel ku dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.