4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2018
Abiy Ahmed ‘’ Tiro dad ah ayaa ku dhintay qaraxa kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen

 

Sabti, June. 23, 2018 (HOL) Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayay TV –ga Qaranka ayaa sheegay in tiro dad ah ku dhinteen kuwa kalana ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan Qaraxii lala eegta dibadbixii fagaaraha Meskel Square.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn goob uu fadhiyay ra’iisal wasaaraha, waxaana muuqaal kooban oo la oo bandhigay ka dhax muuqday ra’iisal wasaaraha oo markii uu qaraxa dhacay eegaya goobta ay wax ka dhaceen, laakiin waxaa markiiba isku gadaamay ilaaladiisa oo halkaa ka kaxeeyay.

Goobta uu khudbada ka jeedinayay ra’iisal wasaaraha ka hor inta uusan qaraxu dhicin waxaa ku daarnaa muraaayad u muuqata kuwo aan xabaduhu kain.

Kumanaanka isugu soo baxay banaan baxa fagaaraha Meskel Square ayaa taageerayay qorshaha is bedelka uu waday Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]