4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2018
Malta oo diiday in ay qaabisho Muhaajiriin Africaan ah oo lasoo badbaadiyay

 

Sabti June, 23, 2018 (HOL)- Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin Muhaajiriin Afrikaan oo dhawaan lasoo badbaadiyay ,kuwaasoo Saaran Markab taagan xeebaha dalkaasi.

Dadkaa muhaajiriinta ah waxa Khamiistii laga soo samata bixiyey meel ka baxsan badda Libya.

Talyaaniga ayaa sheegay in dalka Malta diiday in uu qaabilo laba boqol iyo afar iyo soddon qof oo muhaajiriin ah oo haatan saaran markab samata bixiyey oo taagan badda Mediterranean-ka, markabkaas oo u shaqaynaya urur samofal Jarmal ah oo lagu Magacaabo Lifeline.

Wasiirka gaadiidkaTalyaaniga, Danilo Tonielli, ayaa arintaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyey Facebook-ga. Toninelli waxaa uu ku tilmaamay go’aanka Malta mid “naxariis darro ah”.

Xukuumadda Malta ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay qaabisho qaxooti Afrikaan ah,islamarkaana dhaqaallaha ku baxaya aysan bixinkarin.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]